Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo kulan la yeeshay Helen Clark oo ah madaxa haayada UNDP ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo kulan la yeeshay Helen Clark oo haayada UNDP u qaabilsan dalka Soomaaliya. Sawirka: Villa Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaco ah kulan la yeeshay Helen Clark oo haayada UNDP u qaabilsan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo madaxa UNDP ayaa waxa ay ka wadahadleen barnaamijyada horumarinta ah ee haayada UNDP ay ka wado gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in dowlada federaalka Soomaaliya ay muhiimada kowaad ay siineyso baahinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida, caafimaadka, waxbarashada, biyaha , horumarinta xirfadaha dhalinyarada iyo nabadgelyada, loona baahan yahay in laga taageero .

“Waxyaabaha muhiimada inoo leh waxaa ka mid ah inaan dhalinyarada siino fursado ay ku bartaan xirfado ay ku shaqeystaan, dhaqaalena ay ku sameysan karaan. Dagaalka aan kula jirno argagixisada Al-Shabaab oo maraya marxalad gebagabo ah, ayaa waxaa lagama maarmaan ah inay barbar socdaan barnaamijyada dhaqan celinta, baahinta adeegyada aasaasiga ee dadku u baahan yihiin iyo in la jiheeyo dhalinyarada’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo wefdiga ay ka wadahadleen arrimaha qabanqaabada doorashooyinka, qoondada haweenka ay ku leeyihiin golayaasha qaranka iyo in la sii wado taageerada barnaamijyada horumarinta ee Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha iyo madaxa UNDP ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*