Raysulwasaaraha cusub DFS Xamsa Cabdi Bare oo ku dhawaaqay xubnaha cusub ee golaha wasiiradda

Xubnaha golaha wasiiradda cusub ayaa goobta ku sugnaa markii lagu dhawaaqayay. [Isha Sawirka: Xafiiska Raysulwasaaraha]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Bare ayaa galabta oo Talaado ah ku dhawaaqay xubnaha cusub ee golaha wasiiradda.

Xubnaha cusub ee golaha wasirrada ayaa ka kooban 26 xubnood kuwaasoo uu raysulwasaaruhu uu sheegay in uuu ku soo xulay aqoon, karti, waaya-aragnimo iyo in ay ka go’an tahay, wax ka qabashada arrimaha abaaraha, amni darrida, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasaaradda arraimaha dibada ayaa waxaa loo magacaabay ganacsade Abshir Cumar Huruuse oo ka soo jeeda Puntland.

Waxaa liiska wasiiradda cusub ka soo dhex muuqday Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo horey u soo noqday hoggaamiye ku xigeenkii maleeshiyadda Al-Shabaab. Roobow ayaa sanadkii 2017 isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo tan iyo markaas ku jiray xabsi guray.

Sidoo kale golaha wasiiradda cusub ayaa waxaa ku jira xubno wasiiro soo noqday xukuumadii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*