Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo gaaray dalka Turkiga

Puntland President
Madaxweynaha dowlada Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Istanbul-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa gaaray dalka Turkia, sida ay ilo-wareed saraakiisha dowlada ah ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Istanbul kadib markii uu marti-qaad rasmiya ka helay dowlada Turkiga, sida ay sheegeen ilo-wareedka.

Madaxweynaha Puntland ayaa beryahaan booqasho ku joogay dalka Itoobiya.

Faahfaahin rasmi ah lagama hayo ujeedada safarka madaxweynaha ee dalka Turkiga.

Turkiga oo mashaariic badan ka fuliyay gudaha Soomaaliya, ayaan wax mashaariic ah ka hirgalin deegaanada Puntland, balanqaadyo hore oo Turkiga sheegay in mashaariic ay ka fulinyaan Puntland ayaan wali waxba ka hirgalin.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*