Ganacsatada Puntland iyo wasaaradda maaliyada oo ku heshiiyay in hoos loo dhigo sarifka dollarka

finance minister
Wasiirka maaliyada dowladda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed. [Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ganacsatada Puntland ee ku sugan magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso iyo wasaaradda maaliyada dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah ku heshiiyay in hoos loo dhigo sarifka doolarka, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys oo loo yaqaan (Dhedo) ayaa sheegay in sarifka doollarka lagu jaangooyay in $100 lagu sarifo 2,400 Sh.So ilaa iyo 2,500 Sh.So.

“Shalay waxaa go’aan lagu gaaray saakay wixii ka bilaabma dollarku noqdo 2,400 Sh.So gacanta hore 2,500 Sh.So uu noqdo gacanta dambe,” ayuu yiru guddoomiye Dhedo.

“Cidii badasha oo wax ku tarta masuuliyada iyada ayaa qaadaysa.” Ayuu ku daray.

Dhanka kale, wasiirka maaliyada dowladda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa sheegay in dhawaan wasaaradda maaliyada ay heshiiskaas lagu gaaray Boosaaso gaarsiin doonto dhammaan gobolada oo dhan, cidii ku xadgudubtana tilaabo laga qaadayo.

Asbuucyadii dhawaa ee lasoo dhaafay, sarifka dollarka ayaa kor u kacay gudaha Puntland isaga oo $100 gaaray ilaa iyo 3,000 Sh.So, taasoo qiime barar ku keentay maciishada, iyada oo saamayn weyn ku yeelatay dadka danyarta ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*