Taliyaha ciidamada booliiska Garoowe oo digniin u jeediyay dhalinyarada falalka amniga lidka ku ah sameeya


Sawirka: Taliyaha ciidamada booliiska magaalada Garoowe, Kornayl Maxamuud Muuse Bile.

Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidamada booliiska magaalada Garoowe ayaa digniin u diray dhalinyarada falalka amni darada ah magaalada gudaheeda ka sameeya.

Kornayl Maxamuud Muuse Bile oo oo loo yaqaan Fardafuul oo shir jaraaid ku qabtay maanta oo Sabti ah xabsiga dhexe ee Garoowe ayaa yiri: “Waxaan sheegayaa cid alaale iyo cidii aan ku soo qabanao falalka kala ah kuwa moobilada  furta oo luuqyada istaaga iyo kuwa xaafad xaafad isugu duula, dadka noocaas oo kale ah wixii aan gacan ku qabano waa la qabanayaa sharciga ayaa la hor geynayaa dib ugu noqon mayaan guryahoodii waxaana loo qaadi doonaa Boosaaso iyo Qardho.”

Ugu dambeyna, taliyaha ayaa waalidiinta kula taliyay in ay ceshtaan caruurtooda, isaga oo sheegay in waalidiinta qaar ay cabasho keenaan marka caruurtooda ay ciidamadu kusoo qabtaan falalka amni darada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*