Maleeshiyada ISIS oo sheegatay masuuliyada weerar lagu dilay labo askari oo Puntland ah oo ka dhacay Boosaaso

Askari Puntland ah. [Isha Sawirka: VOA]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maleeshiyada ISIS ayaa sheegatay masuuliyada dilka askar Puntland ah, sida lagu sheegay bayaan Jimcadii la soo mariyay wakaalada wararka ISIS ee Acmaaq.

Weerarka ka dhanka ahaa askarta ayaa fiidnimadii Khamiista ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Askarta la dilay ayaa ahaa ilaalada taliyaha ciidanka booliiska Puntland Janaraal Muxiyadiin Axmed Muuse.

Sheegashada ka timid ISIS ayaa imaanaysa iyada oo milatariga Mareykanku uu kordhiyay duqeymaha hawada ee ka dhanka ah ururkaas argagixisada ah.

Ku dhawaad 20 maleeshiyo ah oo uu ku jiro hoggaamiye ku xigeenkii ayaa lagu dilay duqeymo diyaaradeed oo Mareykanku ka geystay gudaha Puntland tan iyo bishii April ee sanadkan, sida uu diiwaangeliyay bog wareedka Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*