Puntland oo ciidamo u dirtay degmada Galdogob si ay u ilaaliyaan maxkamada gacanta ku haysa kiiska kufsiga ah

Puntland oo ciidamo u dirtay degmada Galdogob si ay u ilaaliyaan maxkamada gacanta ku haysa kiiska kufsiga ah. [ Sawirka: Cabdirashiid Maxamed Xirsi/Facebook]]
Puntland oo ciidamo u dirtay degmada Galdogob si ay u ilaaliyaan maxkamada gacanta ku haysa kiiska kufsiga ah. [ Sawirka: Cabdirashiid Maxamed Xirsi/Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah ciidamo hubaysan u dirtay degmada Galdogob ee gobolka Mudug si ay u ilaaliyaan maxkamada dhageysanaysa kiiska kufsi ee ka dhacay Galdogob, sida uu booggiisa Facebook ku sheegay wasiirka howlaha guud ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo deegaankaas kasoo jeeda.

Shalay oo Sabti ahayd, garsoorayaasha gacanta ku haya kiiska ayaa dowladda Puntland ka codsaday in ay u soo dirto ciidamo si ay u ilaaliyaan amaankooda, sida uu sheegay wasiirka howlaha guud.

Garsoorayaasha ayaa la filayaa inta lagu guda jiro maalmaha soo socda in ay ku dhawaaqaan go’aanka kama dambaystay ah ee maxkamada.

Asbuucii lasoo dhaafay, shan wiil oo dhalinyarada degmada Galdogob ah ayaa la xiray kuwaasoo lagu eedeeyay in ay kufsadeen ayna mindi ku dhaawaceen gabar yar oo 16-sanno jir ah.

Dhibanihii ayaa loo qaaday isbitaal kuyaala magaalada Gaalkacyo si loogu daaweeyo, sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*