Raysulwasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Theresa May oo tagtay Turkiga

Raysulwasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Theresa May oo tagtay Turkiga. [Sawirka: Anadolu]
Raysulwasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Theresa May oo tagtay Turkiga. [Sawirka: Anadolu]
Ankara-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Theresa May ayaa maanta oo Sabti ah tagtay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, halkaas oo ay kulan kula yeelatay madaxweynaha Turkiga.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu, May ayaa kulan kula yeelatay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan gudaha xarunta madaxtooyada.

Labada hoggaamiye ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan arrimo badan oo ay kamidyihiin, la dagaalanka Daacish iyo xaalada Suuriya sidoo kale adkaynta xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee dhanka ganacsiga iyo siyaasada.

Waa markii kowaad oo Theresa May ay safar ku tagto dalka Turkiga iyada oo ah raysulwasaare.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ay kulan la yeelato Raysulwasaaraha Turkiga Binali Yildirim, iyadoo markaas kadib ay wada qaban doonaan shir jaraa’id.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*