Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo tagay dalka Tanzania

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo tagay dalka Tanzania. [Sawirka: Anadolu]
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo tagay dalka Tanzania. [Sawirka: Anadolu]
Dar es salaam-( Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay galab oo Axad ahayd tagay dalka Tanzania, safarkiisa ayaa qaadanaya labo maalmood, iyada oo la filayo in uu kulan la qaato dhiggiisa John Magufuli iyo masuuliyiinta kale ee dowladda.

Erdogana ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Julius Nyerere ku soo dhaweeyay Raysulwasaaraha Tanzania Kassim Majaliwa iyo Yasemin Eralp oo ah safiirka Turkiga u jooga gudaha Tanzania, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Maanta oo Isniin ah ayaa madaxweyne Magufuli qaabili doonaa Erdogan. Waxayna wada qaban doonaan shir jaraa’id.

Inta uusan u safrin Tanzania, Erdogan ayaa sheegay in ay u qorshaysantahay in uu safaarado ka furo dhammaan dalalka Afrika.

Isaga oo ka hadlayay garoonka diyaaradaha Ataturk ee kuyaala Istanbul, Erdogan ayaa sheegay in ujeedadu tahay in xiriir dhow lala yeesho dhammaan dowladdaha Afrika, iyadoo sanadkii 2005-tii uu Turkiga bilaabay barnaamij loo bixiyay “Sanadkii Afrika”.

Safarkan oo ah mid rasmi ah ayaa Erdogan ku tagi doonaa dhowr wadan oo kale oo kuyaala Afrika waxaana kamid ah Mozambique iyo Madagascar, waxaana ay safaradaas dhammaantood qaadan doonaan shan cisho.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016-ka, Erdogan ayaa tagay dalal kuyaala Afrika oo ay kamidyihiin, Senegal, Ivory Coast, Ghana, Nigeria, Guinea, Kenya, Uganda iyo Soomaaliya.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*