Farmaajo oo madaxweynaha Puntland ka codsaday in la sii daayo saddex xubnood oo lagu xiray magaalada Boosaaso

Madaxweyne Farmaajo oo taleefoon ku hadlaya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynaha Puntland ka codsaday in la sii daayo saddex xubnood oo lagu xiray magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya maanta oo Sabti ah.

Khamiistii, haayadaha ammaanka ayaa xabsiga dhigay saddex xubnood oo la sheegay in ay katirsanyihiin guddiga dhismaha magaalada Boosaaso. Dowladda Puntland si rasmi ah ugama aysan hadlin sababta loo xiray xubnahaas, balse guddiga ayaa warbaahinta bulshada ku faafiyay rasiidka lacag cadadkeedu dhanyahay $150,000-dollar oo ka timid dowladda federaalka taasoo la soo mariyay xawilaadaha maxaliga ah.

Ilo-wareedyo ka ag dhow dowladda ayaa bog wareedka Puntland Mirror u sheegay in dowladda Puntland ay ka xumaatay in lacagtaas oo kamid ah deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya oo ka timid dowladda dhexe la mariyo dad shacab ah halkii laga marin lahaa haayadaha dowladda sida wasaaradda maaliyada iyo bangiga dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*