Gabar dhalinyaro ah oo la raadinayay oo meydkeeda laga helay banaanka gurigeeda oo kuyaala Gaalkacyo

Caasho Ilyaas Aadan. [Isha Sawirka: Facebook]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Caasho Ilyaas Aadan, oo ahayd gabar dhalinyaro ah, taasoo la waayay Axadii, ayaa saakay oo Isniin ah meydkeeda laga helay banaanka gurigeeda oo kuyaala magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen qoyskeeda iyo booliiska.

Meydkeeda ayaa la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in calaamado jir dil uu korkeeda ka muuqdo.

Ilaa shalay ayaa Caasho la raadinayay, iyada oo sawiradeeda la soo dhigay baraha bulshada.

Haayadaha ammaanka ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa bog wareedka Puntland Mirror u sheegay in ay socoto barista ku saabsan gabadhaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*