Dowladda Soomaaliya oo caalamka ka codsatay wada shaqeyn si loo joojiyo ganacsiga sharci darada ah ee dhuxusha

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 8.2 milyan oo geed ayaa dhuxul ahaan loo jaray gudaha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2011 iyo 2017. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay adduun weynaha, Afrika iyo Wadamada Khaliijka in laga wada shaqeeyo joojinta dhoofinta sharci darada ah ee dhuxusha Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay shir looga hadlayo ganacsiga sharci darada ah ee dhuxusha oo ka dhacay Muqdisho, ayna waday Qaramada Midoobay, Raysulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay joojin doonto ganacsiga sharci darada ah ee dhuxusha.

“Waxaanu u baahanahay jawaab buuxda si aan wax uga qabano arrinta dhuxusha ee Soomaaliya. labadaba dalab iyo siin waa in la joojiyaa, si loo sameeyo sidaan waxaanu u baahanahay wada shaqeyn si loo fuliyo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay lana xaqiijiyo deegaanka, waxyeelada dhaqaale iyo dad taasoo dhacaysa sababtoo ah ganacsiga sharci darada ah ee dhuxusha ayaa la xakameynayaa,” ayuu yiri Raysulwasaare Ku xigeenku.

Shirkan ayaa waxaa taageeray Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), Haayada UN-ka u qaabilsan deegaanka, iyo Haayada Cunada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay (FAO).

Dhoofinta dhuxusha ka timaata Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay soo saareen sanadkii 2012-kii, iyadoo la fiirinayo saameynta burbur ee deegaanka, iyo sii xumeynta colaadda iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimada.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 8.2 milyan oo geed ayaa dhuxul ahaan loo jaray gudaha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2011 iyo 2017, taasoo kordhisay cunno xumida dhulka iyo cunno la’aanta, iyo ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha oo dhaqdhaqaaqyo badan oo dhaqaale u ah maleeshiyooyinka iyo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*