Saddex macalin oo ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay meel u dhow Garoowe

Gaariga shilka galay oo noociisu ahaa Toyota Markii 2 ayaa gubtay sida ay sheegeen goobjoogayaashu. [Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex macalimiin ah ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay meel u dhow magaalada Garoowe maanta oo Talaado ah, sida ciidamada nabadgelyada waddooyinka ay u sheegeen Puntland Mirror.

Dhaawaca macalimiinta ayaa la geenay isbitaalka guud ee Garoowe, sida ilo-wareed katirsan dhaqaatiirta uu u sheegay Puntland Mirror, isaga oo intaas ku daray in labo kamid ah ay ku suganyihiin xaalad caafimaad oo daran.

Macalimiinta shilka galay ayaa katirsanaa dugsiga Al-Waaxa ee magaalada Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*