Taliyaha ciidamada difaaca Kenya oo sheegay in al-Shabaab ay xoog ku qoranayso dhalinyarada Kenya

KDF chief
Taliyaha ciidamada difaaca Kenya Janaraal Samson Mwathethe.

Nairobi-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidamada difaaca (KDF) ee Kenya Janaraal Samson Mwathethe ayaa sheegay in maleeshiyada al-Shabaab ay khasab ku qoranayso dhalinyarada kunool deegaanada xeebta ee dalka Kenya.

Taliyaha ayaa sheegay in al-Shabaab ay ku guul daraysatay codsigeeda dhalinyarada hadana ay xoog iyo khasab ku qoranayso dhalinyarada.

“Kooxaha argagixisada ah sida al-Shabaab waxa ay badaleen kaartadoodii ay ku qoranayaan kuna tababarayaan dadka. Hadda waxay dhalinyarada ku khasbayaan in ay ku biiraan iyaga,” ayuu yiri Samson Mwathethe.

Ugu dambayna taliyaha ciidamada difaaca ee dalka Kenya ayaa sheegay in Kenya ay wajahayso weeraro argagixiso, wuxuuna dadka Kenya u sheegay in ay feejignaadaan.

“Kenya waa wadan kamid ah wadamada aduunka kaasoo hadda wajahaya caqabadaha weerarada argagixiso waxaana waajib ku ah dhamaan dadka reer Kenya in ay feejignaadaan ayna wargeliyaan haayadaha amaanka cidii ay ka shakiyaan,” ayuu yiri.

Kooxda al-Shabaab ayaa dagaalo jabhadayn ah iyo weeraro qorshaysan ka wada dalka Kenya, ciidamada Kenya oo ka hoos shaqeeya howlgalka AMISOM ayaa sanadkii 2012-ka maleeshiyada al-Shabaab ka saaray magaalo xeebeedka Kismaayo oo ay kooxda ka heli jirtay dhaqaale badan oo muhiim u ahaa howlaheeda.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*