Xoghayaha Difaaca Mareykanka: Weerarka Waqooyiga Kuuriya wuxuu keeni doonaa dagaal

Xoghayaha Difaaca Mareykanka James Mattis. [Sawirka: Archive]
Washington-(Puntland Mirror) Xoghayaha Difaaca Mareykanka James Mattis ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay haddii Waqooyiga Kuuriya ay weerarto Mareykanka, taasi in ay keeni doonto dagaal.

“Haddii ay gantaal ku soo ridaan Mareykanka, taasi waxay hurin doontaa dagaal deg deg ah,” ayuu Mattis u sheegay wariyeyaasha, isaga oo ku sii daray haddii Waqooyiga Kuuriya ay raacaan tilaabo milatari, Maraykanku wuxuu isku dayi doonaa in uu toogto gantaal kasta oo loogu talagalay midkood Guam ama dhul weynaha Mareykanka.

Xoghayaha Difaaca ayaa sheegay in Mareykanku uu wakhti yar ku qiimayn doono hadii ay ahaato mid gantaal ah oo laga soo tuuray Waqooyiga Kuuriya iyo in ay ka qaadi doonaan xaaladdaas.

Mattis ayaa carabka ku adkeeyay in aan hadalkiisa loo qaadan sida balanqaad dagaal, balse waxa uu sheegay in milatarigu ay dalkooda difaacayaan iyo naftooda kaasina uu yahay dagaal.

“Ma aad toogan kartid dadka jooga adduunkan haddii aadan u dulqaadan karin cawaaqibka ka dhalan kara,” ayuu yiri.

Asbuucii lasoo dhaafay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale u goodiyay Waqooyiga Kuuriya hoggaamiyahooda Kim Jong-un isaga oo sheegay in uu la kulmi doono qoomameyn haddii uu sii wado khatargelinta Mareykanka iyo xulufadiisa.

Dhankeeda, Waqooyiga Kuuriya ayaa ku goodisay in ay gantaalo ku garaaci doonto jasiiradda Guam taasoo kululaysay hadalada ay is dhaafsanayaan Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya.

Wakaalada wararka Waqooyiga Kuuriya ayaa ku warantay in ciidamada Waqooyiga Kuuriya ay soo gunaanadi doonaaan qorshahooda ah in ay gantaal ku dhuftaan Guam kahor bartamaha bishaan Agoosto.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*