Puntland

Madaxweynaha dowlada Puntland oo Madaxweynaha Turkiga ugu hambalyeeyay inqilaabkii fashilmay

Madaxweynaha dowlada Puntland oo Madaxweynaha Turkiga ugu hambalyeeyay inqilaabkii fashilmay

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyib Erdogan kadib markii uu ka badbaaday afgembi ay sameeyeen qayb kamid ah cuudamada oo ay rabeen in xukuumada Erdogan ay ku afgembiyaan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in muddadii uu xilka hayey xisbul-xaakimka talada dalkaasi haya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Reccep Tayyib Erdogan uu waddankaasi[Read More…]

by July 16, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Warbixin: Maxaa sabab u ah dib u dhaca ku yimid doorashada guddoomiyaha degmada Dangorayo

Warbixin: Maxaa sabab u ah dib u dhaca ku yimid doorashada guddoomiyaha degmada Dangorayo

Garoowe-(Puntland Mirror) Iyadoo ay xilligii golaha deegaanka degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal ay ku egayd bishii lasoo dhaafay ee Juun ayaa lagu waday in bilowga bishaan ay dhacdo soo xulida golaha deegaanka degmada iyo doorashada guddoomiyaha balse waxaa ku yimid dib u dhac. Dib u dhac ayaa waxaa keenay khilaaf ka dhashay xubo cusub oo la sheegay in lagu darayo[Read More…]

by July 15, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Kooxda kubada cagta Puntland oo gaartay Muqdisho si ay uga qayb galaan horyaalka maamul goboleedyada Soomaaliya

Kooxda kubada cagta Puntland oo gaartay Muqdisho si ay uga qayb galaan horyaalka maamul goboleedyada Soomaaliya

Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxda kubada cagta Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah gaartay caasimada Soomaaliya, Muqdisho si ay uga qayb galaan horyaalka maamul goboleedyada Soomaaliya, kaasoo maalinta Jimcada ah ka furmi doona Muqdisho. Ciyaartoyga ayaa tababarkooda kasii wadi doona magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha wasaarada ciyaaraha dowlada Puntland. Horyaalka maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa noqonaya koobkii kowaad oo lagu qabto Muqdisho.

by July 14, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Doorashadii guddoomiyaha degmada Dangorayo oo dib u dhacday kadib khilaaf ka dhashay xubnaha golaha deegaanka

Doorashadii guddoomiyaha degmada Dangorayo oo dib u dhacday kadib khilaaf ka dhashay xubnaha golaha deegaanka

Garoowe-(Puntland Mirror) Doorashadii guddoomiyaha degmada Dangorayo ayaa dib u dhacday kadib khilaaf ka dhashay tirada xubnaha golaha deegaanka. Guddiga doorashada ee ka socday wasaarada arrimaha gudaha Puntland ayaa tirada golaha deegaanka ku kordhiyay afar xubnood oo cusub halka awal ay ka ahayd 21 xubnood taasoo keentay khilaaf weyn oo sababay in aysan doorasho qabsoomin. Qof dadka deegaanka ah ayaa Puntland[Read More…]

by July 14, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Madaxweynaha dawlada Puntland oo la kulmay dhalinyarada gobolka Mudug

Madaxweynaha dawlada Puntland oo la kulmay dhalinyarada gobolka Mudug

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta oo Arbaco ah kulan la qaatay dhallinyarada gobolka Mudug. Dhallinyaradii kulanka kasoo qayb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha dalladda dhallinyarada Puntland, guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Mudug, xubno kamid ah dhallinyarada wax ka dhiga Jaamacadaha magaalada Gaalkacyo iyo ardayda wax ka barata Jaamacadaha Magaalada Gaalkacyo.[Read More…]

by July 13, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Warbixin: Doorashada guddoomiyaha Degmada Dangorayo oo dhawaan dhici doonta, Maxaa uu qabsoomay degmada shantii sanno ee lasoo dhaafay

Warbixin: Doorashada guddoomiyaha Degmada Dangorayo oo dhawaan dhici doonta, Maxaa uu qabsoomay degmada shantii sanno ee lasoo dhaafay

Garoowe-(Puntland Mirror) Degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal ayaa dhawaan waxaa ka dhici doona doorashada guddoomiyaha degmada. Ololaha doorashada ayaa ka socota degmada iyadoo ay xilka u taaganyihiin saddex musharax oo uu kamidyahay guddoomiyaha hadda xilka haya Cabduqaadir Siciid Cabdiraxmaan “Cukaasha”. Doorashada ayaa la filayaa in ay qabsoonto asbuucaan gudihiisa, sida ay Puntland Mirror u sheegeen masuuliyiin dowlada ah. Warsidaha Puntland[Read More…]

by July 11, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Ciidamada dowlada Puntland oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada gobolka Sanaag

Ciidamada dowlada Puntland oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada gobolka Sanaag

Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada daraawiishta dowlada Puntland ayaa dhaq-dhaqaaq ciidan ka wada meelo kamid ah gobolka Sanaag. Dhaq-dhaqaaqa ayaa yimid kadib markii ciidamo kamid ah maamulka Somaliland ay soo gaareen qaybo kamid ah gobolka Sanaag, sida ay u sheegeen Puntland Mirror dadka deegaanka. Ujeedka ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay tahay sidii ay halkaas uga qaybin lahaayeen sanaadiiqda cod bixinta ee[Read More…]

by July 10, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Madaxweynaha dowlada Puntland oo la kulmay haweenka gobolka Mudug

Madaxweynaha dowlada Puntland oo la kulmay haweenka gobolka Mudug

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Axad ah kulan kula yeeshay magaalada Gaalkacyo haweenka gobolka Mudug. Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ay kamid ahaayeen, marwada kowaad ee Puntland Hodon Siciid Ciise, wasiiradii hore haweenka Puntland Caasho Geele Diiriye iyo xubno kale oo kamid ah ururada haweenka gobolka Mudug. Haweenka ayaa  waxa ay ka codsadeen[Read More…]

by July 10, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Wasaarada warfaafinta Puntland oo ku wargelisay haayadaha warbaahinta Puntland in ay soo gudbiyaan macluumaad ku saabsan shaqaalahooda

Wasaarada warfaafinta Puntland oo ku wargelisay haayadaha warbaahinta Puntland in ay soo gudbiyaan macluumaad ku saabsan shaqaalahooda

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaarada warfaafinta dowlada Puntland ayaa haayadaha warbaahinada Puntland ku wargelisay in ay soo gudbiyaan liiska shaqaalahooda, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska wasiirka warfaafinta. “Waxaa lagu wargelinayaa dhamaan madaxda haayadaha warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland in ay soo gudbiyaan liiska shaqaalahooda oo faah-faahsan sida:- magaca, jagada iyo ciwaankooda oo dhameystiran ug dambeyn 25 bisha July 2016,” sidaa[Read More…]

by July 9, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Puntland oo dhiirigelinaysa dalxiiska

Puntland oo dhiirigelinaysa dalxiiska

Garoowe-(Puntland Mirror) Gobolada Puntland ayaa markii kowaad laga sameeyay shirkad dalxiiska qaabilsan oo si gaar ah loo leeyahay. Guddoomiyihii hore gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey” ayaa sheegay inuu sameeyay shirkad dalxiis oo uu ku magacaabay Magool. Shirkada ayaa dalxiislayaashii kowaad geysay degmada taariikhiga ah ee Eyl, gobolka Nugaal. Masuuliyiin dowlada katirsan ayaa kamid ahaa dalxiislayaasha halkaas tegay, waxaana kamid[Read More…]

by July 8, 2016 0 comments Puntland, Somali News
Scroll Up