Dooni ganacsi oo dab ku qabsaday meel u dhow dekada Boosaaso

Qiiq hawada isku shareeray kadib markii doonida uu dabku qabsaday. [Sawirka]

Boosaaso-(Puntland Mirror) Dooni ganacsi oo siday badeeco ayaa dab ku qabsaday meel u dhow dekada Boosaaso maanta oo Isniin ah, sida uu sheegay masuul katirsan dowladda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland, Cabdirisaaq Nuur Cumar ayaa warbaahinta u sheegay in doonida uu dab qabsaday markii ay shan mayl u jirtay dekada Boosaaso.

Dabka ayaa ka dhashay matoorka doonida, sida uu sheegay Wasiir ku xigeenku.

Shaqaalihii doonida saarnaa oo gaarayay dhowr iyo toban qof ayaa laga soo badbaadshay, iyada oo labo kamid ah uu dhaawac fudud soo gaaray.

Doonida ayaa ka timid magaalada Shaariqa ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta waxayna siday badeeco tankeedu yahay 1,100 tan. Alaabta ay doonidu siday ayaa waxaa kamid ahaa bagaash, gawaari iyo gaaska cuntada lagu karsado, sida uu sheegay Cabdirisaaq Nuur Cumar.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland ayaa sheegay in dowladda aysan lahayn awood ay gurmad ugu fidiso dooni ku gubatay meel ka fog dekada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*