Sarkaal katirsan ciidanka ammaanka Puntland, oo codsaday in magaciisa aan la sheegin, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in labada khabiir oo miino baarista ahaa ay ku dhinteen kadib markii bumbada wadada lagu aaso ah oo ay furfurayeen ay ku qaraxday.
Labada sarkaal ee dhintayaa ayaa katirsanaa ciidanka PMPF iyo ciidanka PSF, sida ay ilo-wareedku sheegeen.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa mar walba dhigta wadada miinada Buuraha Galgala, halkaas oo ciidanka Puntland ay kula dagaalamayaan maleeshiyadooda.