Dalladda bulshada rayidka ah ee PUNSAA iyo xafiiska difaacaha xaquuqda aadanaha ee Puntland oo dhaleeceeyay xaalada daryeelka xabsiyada Puntland

Xabsiga weyn ee Garoowe.[Sawirka]
Garoowe-(Puntand Mirror) Dalladda bulshada rayidka ah ee PUNSAA iyo xafiiska difaacaha xaquuqda aadanaha ee Puntland ayaa dhaleeceeyay xaalada daryeelka xabsiyada Puntland, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen maanta oo Jimce ah.

Shir wadatashi oo ku saabsanaa xaalada xuquuqda aadanaha Puntland oo magaalada Garoowe lagu qabtay ayaa PUNSAA iyo xafiiska difaacaha xaquuqda aadanaha ee Puntland ku sheegeen in ay hooseyso xaalada xabsiyada Puntland.

Bayaanka wadajrka ah ayaa lagu sheegay in xabsiyada kuyaala saldhigyada booliiska in mudada yar ee eedaysanayaashu ay ku jiraan in ay quudiyaan cidii soo dacweysay. Sidoo kale ciriiri ayaa la sheegay in ay ka jiraan xabsiyada qaarkood iyada oo ay liidato nadaafadu.

Ciidanka saldhigyada ayaa dadka u soo xira qaab aan sharciga waafaqsaneyn, waxaana intaas lagu daray in eedaysanayaasha ay xirnaadaan in ka badan inta sharcigu uu ogolyahay oo ah 48 saacadood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*