Ciidamada ammaanka Puntland oo howlgal ka dhan ah kooxaha argagixisada ka sameeyay Boosaaso

Ciidamada ammaanka Puntland oo howlgal ka dhan ah kooxaha argagixisada ka sameeyay Boosaaso. [Xigashada Sawirka: Puntlandi]

Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso ayaa howlgal ka dhan ah kooxaha argagixisada qaaday, sida ilo-wareed katirsan ciidanka uu sheegay.

Ilo-wareed katirsan ciidamada Puntland, kaasoo codsaday in magaciisa aan la sheegin, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in boqolaal ciidan ah la geeyay waddooyinka magaalo xeebeedka Boosaaso maanta oo Axad ah.

Intii howlgalku uu socday, ciidamada ayaa muraayadaha madow ka fiiqay baabuurta dad weynaha, sida ilo-wareedku uu intaas ku daray.

Howlgalka ayaa imaanaya wax ka yar asbuuc kadib markii labo askari oo ciidanka ammaanka katirsan lagu dilay weerar bumbada gacanta laga tuuro oo ka dhacay Boosaaso, oo ay masuuliyadiisa sheegteen maleeshiyada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*