Booliiska Brazil oo xiray 10 xubnood oo diyaarinayay ficilo argagixiso iyadoo ay soo aadanyihiin ciyaaraha Olympic

Brazil
Ciidamada amaanka Brazil oo ilaalinaya garoonka ay ka furmi doonaan ciyaaraha Olympic-kada. Sawirka: AFP.

Rio de Janeiro-(Puntland Mirror) Booliiska federaalka dalka Brazil ayaa xiray 10 xubnood oo looga shaki qabo in ay diyaarinayeen ficilo argagixiso inta lagu guda jiro ciyaaraha Olympic-kada.

Haayadaha ayaa sheegay in xubnahaan aysan ahayn Dowlada Islaamiga (ISIS) laakiin ay damceen in ay la xiriiraan kooxdaas.

Xiritaanka ayaa ka dhacay gobolka koonfurta ee Parana.

Xiritaanka ayaa imaanaya iyadoo labo asbuuc ay ka dhimanyihiin ciyaaraha Olympic-kada oo lagu qabanayo dalkaas.

Wasiirka cadaalada Alexandre Moraes ayaa shir saxaafadeed ka sheegay in dhamaan kuwa la xiray ay yihiin xubno u dhashay Brazil.

Dowlada Brazil ayaa golaheeda wasiirada ugu yeertay shir deg deg ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*