Nin kamid ah kuwii ka dambeeyay qaraxii Muqdisho oo toogasho lagu fuliyay iyada oo la xusayo sanadguuradii kowaad ee weerarka

Askar toogasho fulineysa. [sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mid kamid ah nin la sheegay in uu kamid ahaa kooxdii ka dambeysay qaraxii Muqdisho ayaa toogasho lagu fuliyay maanta oo Axad ah, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamada ciidamada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ninka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Aadan Isxaaq oo katirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, oo la sheegay in uu waday gaari ku qarxay wadada dan-wadaag ee Muqdisho, oo la socday gaarigii weynyaa ee ku qarxay wadada Zoobe.

Bishii Febaraayo ee sanadkan, ayaa maxkmada ciidamada qalabka sida ayaa ku xukuntay Xasan Aadan Isxaaq dil toogasho ah.

Dilka ninkaas ayaa imaanaya hal sanno kadib iyada oo maanta la xusayo weerarkii ka dhacay Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 qof oo shacab ah.

Weerarkii dhacay 14-kii Oktoobar 2017, ayaa ahaa weerarkii argagixiso ee ku dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya.

Xuska sanadguurada 1-aad

Isgoyska Zoobe oo laga taagay boorar lagu xasuusanayo dadkii ku waxyeelobay halkaas sanad kahor. [Isha Sawirka: Twitter]
Sanad kadib maanta ayaa la xusayaa qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 500 qof.

Dad badan ayaa isugu soo baxay isgoyska Zoobe kuwaasoo u baroordiiqaya dadkii ku geeriyooday musiibadaas.

Boorar iyo darbi ay ku qoranyihiin weedho lagu xasuusanayo dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas ayaa laga taagay isgoyska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*