Hoggaamiyaasha urur goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS oo u sheegay madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh in uu xilka ka dego

Hoggaamiyaasha urur goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS oo u sheegay madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh in uu xilka ka dego. [Sawirka: AP]
Hoggaamiyaasha urur goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS oo u sheegay madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh in uu xilka ka dego. [Sawirka: AP]
Abuja-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaasha urur goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa sheegay in ay waajib tahay in madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh uu xukunka ka dego sababtoo ah waa looga guuleystay doorashada.

Madaxweynaha dalka Liberia Ellen Johnson Sirleaf, oo ah guddoomiyaha urur goboleedka ECOWAS, ayaa ka codsatay hoggaamiyaasha urur goboleedka ECOWAS shir ay ku yeesheen caasimada dalka Nayjeeriya ee Abuja in ay go’aan ka gaaraan tilaabooyinka la qaadi lahaa si xaalada guul loogu dhammeeyo kahor 19-ka bisha Janaayo ee sanadka cusub 2017-ka, markaas oo uu ku egyahay wakhtiga madaxweyne Jammeh.

Jammeh oo 22-sanno madaxweyne ka ahaa dalkaas, ayaa doorashadii madaxweynaha ee dhacday bilowgii bishaan December waxaa uga guuleystay Adama Barrow.

Inakstoo markii hore uu aqbalay in laga guuleystay Madaxweyne Jammeh, laakiin mar dambe ayuu qaadacay natiijada doorashada, waxaana uu ku baaqay doorasho cusub.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*