Ciidamada PSF Puntland oo sheegay in ay fashiliyeen weerar Al-Shabaab gudaha buuraha Galgala

Askar Ciidamada PSF oo ku sugan buuraha Galgala. [Sawir Hore]
Garowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in ay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab qorsheynaysay in ay ku bartilmaameedsato saldhigyada ciidamada Puntland ee buuraha Galgala.

“Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ku bartilmaameedsadeen kagana hortageen 67 dagaalyahan oo ka tirsan cadowga Al Shabaab oo ku sugnaa Diindigle iyo Madarshoon, kuwaas oo qorshaynayey in weeraro gaadmo ah ku qaadaan saldhigyada ciidamada difaaca Puntland ee Galgala,” ayay ku dhaheen qoraal ay ku soo daabaceen bogga Facebook.

PSF waxay sheegeen in 13 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ay ku dileen howlgalka, ayna burburiyeen meelihii ay ku dhuumaanaysanayeen ee halkaas ku yaalay.

Ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab ayaa ku dagaalamaya buuraha Galgala tan iyo sanadkii 2010-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*