Al-Sahabaab oo weerar ku qaaday maqaaxi kutaala xeebta Liido ee Muqdisho

qarax Muqdisho caawa
Holoca qiiqa qaraxa ka dhacay maqaaxida Banaadir ee Muqdisho. Sawirka: Twitter.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Koox hubaysan ayaa caawa weerartay maqaaxida Banaadir oo kutaala xeebta Liido ee Muqdisho.

Kooxda weerarka qaaday ayaa weerarka u adeegsaday qarax gaari oo ay daba socdeen xabado rasaas ah.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka, iyadoo wali uu socdo dagaal u dhaxeeya kooxda weerarka geysatay iyo ciidamada amaanka.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida afhayeenka howlgalada Al-Shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab uu u sheegay wakaalada wararka Reuters.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*