Xoghayaha Guud ee Jimciyada Qurumaha Ka Dhaxaysa Antonia Guterres oo yimid Muqdisho

Twitter
Xoghayaha Guud ee Jimciyada Qurumaha Ka dhaxaysa Antonia Guterres oo yimid Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xoghayaha Guud ee Jimciyada Qurumaha Ka Dhaxaysa Antonia Guterres ayaa maanta oo Talaado yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Masuuliyiin sare oo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay sii hayaha wasiirka arrimaha dibada Cabdisalaam Hadliye ayaa Xoghayaha Guud iyo wefdi la socday ku qaabilay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cade ee gudaha Muqdisho.

Xoghayaha ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana kulankaas diirada lagu saaray sidii loogu gurman lahaa malaayiin Soomaali ah oo ay saamaysay abaarta daran ee dalka ka jirta, kuwaasoo u baahan caawimaad bini’aadanimo oo deg deg ah.

Waa markii kowaad oo Xoghayaha Guud ee Jimciyada Qurumaha Ka Dhaxaysa Antonia Guterres uu yimaado Muqdisho.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*