Tarjumid iyo soo koobidda cilmibaarista SIDRA: Dhibaatooyinka bani’aadannimo ee Sool: baaq waxqabad”

Hordhac

Cilmibaristu waxay si faahfaahsan u qaadaadhigtay ubucda dagaalka Sool, furtuurkii qarxiyey, nabarrada aanan la illaawi karin ee reer SSC loo geystay iyo fadqalalladii ka dhashay ooy dhibbane u yihiin boqollaal kun oo qof. Tirada dadkii magaalada ku dhaqanaa ee taariikhda sidii u heer-sarreysey guryahoodii, ganacsigoodii iyo waxbarashadoodiiba ugaaqaxay waa 185,000 oo qof, sida ay baahisay UNHCR (2023).

Muddadaa lixda bilood ah ee dirirtu ka qamxayso gudaha iyo koonayaasha magaalada, waxaa naftooda ku waayay boqollaal dad ah oo nooc walba leh, waxaa dhaawac u jiifa ilaa 600 oo kale; sidoo kale, waxaa duqayn aanan cidna loo aabba-yeelin lagu burburiyey guryo dad shacab ah ku jireen, ganacsiyo cammirnaa, xarumo caafimaad iyo masaajiddo. Kadib markii 15 kamid ah dadweynihii cargaagtamayey la xasuuqay, duqaydii degaankuna ay muddo kadib magaalada isugu tageen, goortaa ooy soo wadeen bayaan ku saabsan masiirka gobollada SSC, se waxaa dhibsaday maamulka goosatada ah ee Soomaalilaan oo dhowr iyo tobankii sano ee uu magaalada ka talinayey lagu dilay 120 qof⸺markaa oo maamulka Puntland ciidankiisii ay isaga huleeleen magaalada.

Cilmibaarsita waxaa xog-warran xaqiiqo ku dhisan siiyey saraakiil ka shaqaynayey hay’adihii bani’aadannimo ee aagga ka hawlagayey iyo xubno dadka degaanka kamid ah, kuwaa oo ka saaciday in ay soo baxdo diraasad si faahfaahsan u faaqidaysa mugga waxyeellada iyo heerka raadkeeda.

Run ahaantii, dhibaatada xoogga leh ee Laascaanood ka taagan in la helo cilmibaaris waafi ah oo ka warramaysa waa dhaxal weyn oo inta nool iyo jiilasha dambe ee reer SSC ay ku ogaanayaan taariikhda madow ee la soo maray.

Xaaladda barabaxayaasha

Markii laga tago 125,000 oo qof oo u qaxay magaalooyinka SSC iyo kuwa Puntland, misana waxaa jira qiyaastii 60,000 oo isugu jira haween iyo carruur oo iyagu u tallaabay gudaha Itoobiya, kuwaa oo si kumeel-gaar ah loo dejiyay 13 goobood oo hoostaga degmooyinka Bookh, Galxamur iyo Dannood ee gobolka Doollo, kilalka Soomaalida oo iyagu markoodii horeba ka fogaa gargaarka aadannimo, oo adeeggooda caafimaad uu gabaabsi ahaa amba uusan jirinba. Inkastoo dadkii ay u tageen ayaa u muujiyeen deeqsnimo iyo lajir wax-ku-ool ah ilaa ay la qaybsadeen wax walba ooy haysteen, haddana UNHCR waxay tibaaxday in dhaqaale-yaraanta jirta awgeed dadkaa barabaxay ay la gabawaran yihiin dhibaatooyin bani’aadannimo.

Khalalka ku yimid habnololeedkii dadka

Dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ay dadku kalasoo bixi jireen noloshooda maalinlaha ah ayaa daaqadda ka baxay, kadib markii khalal ku yimid dhibbihii badeecooyinku xuli jireen iyo markii ganacsiyo fara badan qasab irridaha loogu laabay. Ugu dambayn, maciishadda meelihii loo barakacay ayaa 10-15% koror ku yimid maadaama marinnadii ganacsiga lagu gaadiideyn jirey ay isxireen, heerkii adkaysi ee dadkuna aad buu isu dhimay. Arrintaasi waxay qaybo badan oo bulshada ah dhaxalsiisay iswaa-ahaanshiyeed, ujeeddado-lun iyo isku-filnaansho la’aan.

Khalal waxbarasho

Nabarrada colaaddu reebtay waxaa kamid ah burbur gaaray goobihii waxbarashada, hadday ahaan lahaayeen jaamacado, iskuulaad, xarumo farsamo iyo dugsiyadii Qur’aanka; taas oo galaafatay 54,000 oo arday oo xaadirayey 345 xarumood oo waxbarasho. Arrinta naxdinta ah waa in khalalka dhanka waxbarashada ku yimid uu sababay in arday badani qalinkii ka hayaameen ooy qori qaateen iyagoo dagaallada ku biiray. Taasi maaha inay taabanayso mustaqbalkoodii oo quraata ee waxay sii ribeyneysaa xajmiga xaaladda iyo cufnaanta colaadda.

Daryeelkii Caafimaadka oo hallaabay

Duqaynta aanan loo meeldayin waxay fariisisey amba ciriiri gelisay daryeelkii caafimaad kadib markii burbur lixaad leh loo geystay qaab-dhismeedkii isbitalka iyo hannaankiisii shaqo, si gaar ah waarkii carruurta iyo kaydkii dhiigga.

Jawaabta beesha caalamka

15-kii sano ee la soo dhaafay gobolku wuxuu ahaa mid muran badani hareeyay, arrintaa oo keentay in hay’ado Qaramada Midoobay leedahay iyo NGO-yo caalami ah oo Puntland iyo Soomaalilaan ka hawlgayey ay joojiyeen inay si rasmi ah uga hawlgalaan.

Murankaa la geliyay gobolka ayaa xayiray gaarsiinta gargaar bani’aadannimo, maadaama qolo waliba sheeganayso inay iyadu ka taliso. Kadib markii dagaalku qarxay se, fadhi laga yeeshay habka iyo jidka u fudud ee dadkaa wax lagu gaarsiin karo waxaa la isla qaatay in Puntland loo mariyo.

Hay’adaha qaar ayaa kaalmo dhaqaale iyo mid cunto la gaaray dadkii kaska loo barabixiyey, gaar ahaan kuwoodii u yaacay Kalabayr, Buuhoodle, Wirwir, Boocame iyo Taleex. Si kastaba, waxa yar ee la siiyey dhuun uma qoyneyso, bal’e dadka ay u tageen ayeyba culaab kale ku rareen.

Bartamihii Maarso, USAID ayaa kaalmo degdeg ah, taakulo nafaqo ah iyo agab daryeelka caafimaadka ah u fidisay dadkii barkacay ee reer Laascaanood. Jirtoo, in UNICEF ay ku dhawaaqday inay Garowe gaarsiisey 3 gaari oo waawayn oo ku hilan agab caafimaad, midka biyaha iyo fayadhowrka, si loo dhimo suququrka lagaga sugan yahay.

Baaqii Golaha Ammaanka ee QM ee ahaa in deeqbixiyaashu ay sare-u-qaadaan taageeradooda, diraasaddu waxay caddaysay in qaylo-dhaantaasi ay tilmaantay baahida degdegga ah ee gobolka ka jirta.

Doorka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka jawaabista xaaladda bani’aadannimo

Diraasaddu waxay xustay in Dowladda dhexe ay tiraba laba jeer gargaar u fidisay dadka ku wax-walba-seegay dagaallada gobollada SSC. Markii koowaad waxay ahayd Feebaraayadii gacan-ka-hadalku ka aloosmay magaalada, waxay la soo gaartay kaalmo agab iyo dawooyin caafimaad ah iyo markii labad ooy gargaar raashin ah la soo gaadhay magaalada. Labadaa jeerba hal xafiis oo dowladda dhexe ah ayuun baa gacan u fidiyey reer Laascaanood, waana Wakaaladda Soomaaliyeed ee Maaraynta Masiibooyinka.

Dhan-kale, cilmibaaristu waxay ku nuuxnuuxsatay in dowladda federaalka oo u taagan ilaalinta dadka Soomaaliyeed aysan kaalinteedii ka soo bixin, bal’e ay hagratay shacabkeeda qahran ee xasuuqa ba’an iyo duqaynta joogtada lagu hayo ilaa maanta. Dowladdu maysan alkumin guddi u qareema reer Laascaanood. Dadka ka qaybqaatay cilmibaarista qaarkood ayaa qaba in booqashada garaaddadu ay gaareen Xamar oo ay kula kulmeen madaxwaynaha iyo raysalwasaaraha, ay falkin cusub iyo fursad fiican ku darayso arrinta Sool. Laakiin ilaa hadda ma muuqato wax la taaban karo oo laga dheefay markii ay noqoto gargaarkii looga fadhiyey. Se, dowladda iyo garaaddada oo wada shaqeeya ayaa door fiican ka qaadan lahaa dhayidda dakharrada colaaddu reebtay.

Doorka Puntland ee ka jawaabista xaaladda bani’aadannimo

Cilmi baarsitu waxay sheegtay in Feebaraayo 9-keedii 2023, madaxwayne Siciid Cabdullaahi Deni uu magacaabay guddiga arrimaha bani’aadannimo ee Laascaanood; kuwaa oo isugu jirey wasiirro, culimo diineed, iyo ganacsato. Judhiiba guddigu fadhiguu ka kacay oo qaaraan uruuris iyo u qareemidda reer Laascaanood ayuu u dhaqaaqay. Isbuucyadii xigeyna waxay dadkii soo qaxay la gaareen gargaar cunto. Inkasta oo gasiinkaa yar uusan baahidoodii wada daboolin, misana xilli baahi badan loo qabay ayuu gaaray.

Guddigu dadaal xoog leh ayuu geliyey lacag uruurin ay ka sameeyeen ganacsato reer Puntland ah, taas oo laga xusi karo $200,000 oo bilowgii Abriil ay shirkadda Golis ugu deeqday dadkii Laascaanood ka soo barakacay.

“Puntland ma aanay bixin keliya gargaar, laakiin waxay door weyn ka cayaartay fududaynta garsiinta gargaarka iyadoo xiriirineysa hay’adaha gargaarka iyo dadka degaanka, si gaar ah dadka reer SSC”⸺Madaxa waaxda xiriirka gargaarka ee Wasaaradda Qorshaynta Puntland.

Sidoo kale, warbixinta diraasaddu waxay xustay in wasaaradda waxbarashada Puntland ay waxbarasho bilaash ah u fidisay 15,000 oo kamid ah ardaydii ay saameeyeen colaadihii Laascaanood. Taasina waxay u fududaysay ardaydu inay waxbarashadoodii sii wataan. 3,000 oo kamid ah ardaydu waxay galeen imtixaankii fasalka 12-aad ee shahaadiga ahaa. Si kasta oo ay Puntland garab-istaag ugu muujisay reer Laascaanood, misana inay dadaallo caaqibo leh ku bixiso raadinta taageero caalamiya, iyadoo xiriirineysa hay’adaha gargaarka waxaa caqabad ku ah dadaal la’aan dheeri ah iyo iydoo dad aanan u qalmin ay calanka u sidaan.

Doorka maamulka dowladda hoose ee Laascaanood

Shirkii cuqaasha SSC wuxuu dhalay guddi 33 xubnood ah inay maamulaan magaalada iyo nawaaxigeeda inta ka horreysa ilaa ay dowladda dhexe si rasmi ah uga qayb noqonayaan. Maadaama oo aan guddiga 33-da ah loo qaabayn inay xiriiriyaan hawlaha gargaarka, oo iyaga mudnaantooda koowaad laga dhigay arrimaha siyaasadda, heer magaalo hay’aduhu waxay xiriir la samaynayeen maamulkii horay u jirey ee dowladda hoose ee Laascaanood. Balse mar dambe guddigii 33-da ahaa waxay magacaabeen 7 xubnood oo iyagu u xilsaaran xiriirka hay’adaha gargaarka ee dadkii soo barakacay taageerada ladaba jooga.

Sidaa darteed, guddigaa 7-da xubnood ah waxay yihiin buundadii xiriirineysey dadkii degaanka iyo hay’adihii gargaarka. Waxaana laga dhowrayaa inay si mug leh uga shaqeeyaan sidii ay usoo gudbin lahaayeen baahida rasmiga ah ee jirta loogana jawaabi lahaa.

Inkastoo dad cilmibaarista ka qayb-qaatay ay muujiyeen walaac ku saabsan in deeqbixiyaasha caalamiga ah ay toos ugula shaqayn karaan guddiga xiriirka gargaarka. Shakiyadaa isasoo taraya waxaa u sabab ah maqnaanshaha haykal dowladeed oo guddigaa ka baxsan. Balse cilmibaaruhu wuxuu arrin muhim ah u arkaa in deeqixiyaasha caalamiga ahi ay aqoonsadaan suuraafka siyaasadeed ee gobolka ka jira iyo go’aanka madaxbanaanida ah ee isimadu ku sheegteen inay maamul gaara oo dowladda dhexe hoostaga yihiin.

Talo soo jeedin:

1. Hay’adaha gargaarka, dowladda federaalka ah, Puntland guddiga gargaarka SSC inay xoojiyaan xiriir iyo wadashaqaynta ka dhexeysa si wixii la helo looga faa’iideysto sida u fiican.

2. In marwalba la sameeyo xog ururin waafi ah si loo ogaado baahida saxda ah dadkii reer SSC ee meelaha kala duwan ku barakacay.

3. In la hubiyo in dadkaa si joogta ah loola gaaro adeegyada asaasiga ah sida cunto, biyo nadiif ah, hoy, daryeel caafimaad iyo qalab nadaafadeed.

4. In loo fidiyo gargaar waxbarasho si kor loogu qaado karaanka iyo gashiga bulshada.

5. In dadkii soo barakacay laga qayb-geliyo talada nashaqadaynta barnaamijyada, sida odayada, haweenka, ururrada dhallinyarada, ilaa heer waxkasta oo la qabanayaa uu noqdo mid mudnaansiintiisa la isla qaatay.

6. In la dejiyo qorsheyaal fogfog oo xaaladda gargaarka ah u raraya horumar waara.

7. In la sameeyo dadaallo u qareemid heer qaran ilaa heer caalami ah si taageero loogu helo xaaladda bani’aadannimo ee SSC.

W/D: Barkhad Cabduqaadir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*