Somaliland oo duqeyn ku dishay abwaankii Soomaaliyeed Jaamac Kadiye Cilmi

Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi. [Sawir Hore]

Laascaanood-(Puntland Mirror) Abwaankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Jaamac Kadiye Cilmi ayaa geeriyooday kadib markii uu madfac ku dhacay gudaha magaalada Laascaanood, sida ay sheegeen masuuliyiinta deegaanka.

Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in galabta oo Arbaco ah madaafiic badan la beegsadeen magaalada. Laascaanood ayaa ciidanka Somaliland duqeymo la beegsanayeen tan iyo bishii Febaraayo markaas oo xoogaga SSC-Khaatumo ay banaanka uga saareen kadib 16 sanno oo ay ka talinayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*