Masuul sare oo Puntland ah oo 16 sanno kadib tagay Laascaanood

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Amed Karaash oo ku sugan Guumays. [Isha Sawirka: Facebook]

Laascaanood-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa maanta oo Talaado ah tagay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isaga oo noqonaya masuulkii ugu sareeyay ee Puntland oo taga halkaas muddo 16 sanno kadib.

Tagida madaxweyne ku xigeenka ayaa timid dhowr beri kadib markii magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool laga saaray ciidanka Somaliland kadib ku dhawaad 8 bilood oo dagaal uu halkaas ku dhexmarayay ciidamada Somaliland iyo ciidanka SSC-Khatumo.

Jimcadii oo bishu ku beegnayd 25 August, 2023, ayaa dagaal ka dhacay duleedka Laascaanood lagu jabiyay ciidanka Somaliland. Dagaalka intii uu socday, ugu yaraan 120 qof oo katirsan ciidamada Somaliland ayaa la dilay, 300 oo kale ayaa la qabtay, oo uu kamid yahay taliyihii ciidanka Janaraal Faysal Cabdi Bootaan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa u gudbay deegaanka Guumays oo qiyaastii 78 km u jirta Laascaanood halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada SSC-Khaatumo. Madaxweynaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Firdhiye iyo isimada ayaa madaxweyne ku xigeenka Puntland ku weheliyay safarkiisa Guumays.

Axmed Karaash, oo ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa sheegay in dowladda Puntland ay dadka reer SSC-Khaatumo iyo taageero la garab taagantahay.

Somaliland ayaa sanadkii 2007 duulaan ku qabsatay magaalada Laascaanood, balse guushii ciidanka SSC-Khaatumo ee 25 August, 2023, ayaa soo afjartay 16 sanno oo ay halkaas ay maamulayeen.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*