Soomaaliya oo markale caalamka ka codsatay in laga qaado cuno qabataynta hubka si looga adkaado Al-Shabaab

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Xigashada Sawirka: Reuters]
New York-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa mar labaad ku celisay codsigeeda hoggaamiyaasha caalamka si cuno qabataynta caalamiga ah looga qaado, iyadoo ay khatar dalka kaga imaanayso maleeshiyada hubaysan ee Al-Shabaab.

Isaga oo khudbadiisa u jeedinayay Golaha Qaramada Midoobay shalay oo Jimce ahayd, Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyay horumarka dhanka siyaasadda iyo ammaanka ee dalkiisu qaadayo.

“Gudaha Soomaaliya, waxaanu sameynay, tilaabooyin muhiim ah waxaanu hoos u dhignay awooda Al-Shabaab,” ayuu yiri Khayre.

Raysulwasaaraha ayaa sheegay in dalkiisu uu u baahanyahay in cuno qabataynta hubka ee wakhtiga dheer la qaado sidaa darted in ciidanku qaranku ay awood u yeelan doonaan in ay heelan hub culus si looga adkaado Al-Shabaab.

“Si loo xaqiijiyo sii joogtaynta horumarkan oo kale, waxaanu diirada saarnay in la adkeeyo awooda ciidankayaga qaranka, si katsoo ay ahaataba, cuno qabataynta hubka ee dalka saaran ayaa caqabad ku ah arrinta,” Khayre ayaa sidaas ku yiri Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Raysulwasaaraha ayaa sheegay in dowladdiisu ay u diyaargarowday sidii ay ay ugala shaqayn lahayd ururada caalamka iyo xulufadeeda hanaan looga qaadayo cuno qabataynta hubka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*