Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka oo balanqaaday in Mareykanku uu Soomaaliya ka taageeri doono la dagaalanka Al-Shabaab

Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Rex Tillerson. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Mareykanku uu Soomaaliya ka taageeri doono sidii dalka looga saari lahaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Tillerson balanqaadkaas uu sameeyay kadib markii uu wadahadal khadka taleefoonka ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Tillerson ayaa u sheegay Farmaajo in Mareykanku uu sidoo kale Soomaaliya ka taageeri doono dadaalada xasiloonida iyo horumarka, intii ay khadka taleefoonka ku wada hadlayeen.

Maamulka cusub ee Madaxweyne Donald Trump ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay. Sidoo kale tobonaan ciidamo Mareykan ah ayaa yimid gudaha Soomaaliya si ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM gacan uga sii yaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*