Ciidamada AMISOM oo si buuxda uga baxay xarunta Gahayr ee Muqdisho oo ku dhawaad toban sanno u ahayd saldhig milatari

Ciidamada AMISOM oo si buuxda uga baxay xarunta Gahayr ee Muqdisho oo ku dhawaad toban sanno u ahayd saldhig milatari. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ee gudaha Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ka baxay saldhig weyn oo milatari oo ay ku lahaayeen gudaha Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Ciidamada AMISOM ayaa si buuxda uga baxay goobta Gahayr oo horey u ahaan jirtay xarun jaamacadeed oo kutaala degmada Wadajir ee galbeedka Muqdisho.

Ciidamada ayaa goobtaas deganaa qiyaasti toban sanno tan iyo markii howlgalka AMISOM uu bilaabmay sanadkii 2007.

Ciidamada AMISOM ee goobtaas ka baxay ayaa saldhig ka sameystay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay AMISOM ku sheegtay bayaan.

Goobta ayaa lagu wareejiyay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo sheegeen.

Ciidamada AMISOM ayaa weli waxaa saldhig milatari u ah goobo hanti guud ah oo kuyaala gudaha Muqdisho oo ay kamidtahay, isbartiimada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*