Ciidamada Libya oo sheegay in ay magaalada Sirte kala wareegeen maleeshiyada ISIS

Ciidamada Libya oo sheegay in ay magaalada Sirte kala wareegeen maleeshiyada ISIS kadib dagaal dhiig badan ku daatay. [Sawirka: Reuters]
Ciidamada Libya oo sheegay in ay magaalada Sirte kala wareegeen maleeshiyada ISIS kadib dagaal dhiig badan ku daatay. [Sawirka: Reuters]
Sirte-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda ay dabada ka riixayso Qaramada Midoobay ee Libya ayaa isku fidiyay maamulida magaalada Sirte kadib bilo dagaal ah, sida uu sheegay afhayeen ciidamada ah.

“Ciidamadayadu waxay haystaan gabi ahaan Sirte,” Reda Issa, oo ah afhayeenka ciidamada dowladda ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka AFP maanta oo Isniin ah.

Dagaalka magaalo xeebeedka Sirte, taasoo ahayd meeshii ugu dambaysay ee kooxda ISIS ay ka haysteen dalka Libya, ayaa waxaa ku naf waayay boqolaal ciidamada dowladda ah iyo tiro badan oo aan la aqoon oo dagaalyahanada ISIS ah, sida uu sheegay, Reda Issa.

Dagaalyahanada ISIS ayaa loo malaynayaa in ay joogaan meelo badan oo kuyaala koonfurta iyo bariga Libya, laakiin ma ay haystaan wax magaalo ah.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*