Ciidamada ammaanka Puntland oo howlgalo ka bilaabay gudaha Boosaaso

Ciidamada ammaanka Puntland oo howlgalo ka bilaabay gudaha Boosaaso. [Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgalo ka bilaabay gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso oo ujeedku yahay ugaarsashada kooxaha argagixisada ah, saraakiil katirsan ciidamada ammaanka ayaa warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyay.

Howlgalka ayaa imaanaya maalin kadib markii ugu yaraan saddex qof lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo lala eegtay bar kantarool kutaala Boosaaso.

Ma jiraan warar muujinaya haddii ay jiraan shakhsiyaad lagu xiray howlgalka socda, kuwaasoo looga shaki qabo ku lug lahaanshaha weerarkii talaadada dhacay.

Dowladda Islaamiga ah ayaa mar dambe sheegatay masuuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhacay fiidkii xalay oo Talaado ahayd.

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray askari katirsan ciidamada booliiska iyo dhalinyaro ka ag dhawaa goobta qaraxa. 

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*