Tirada dhimashada qaraxii makhaayada Luul Yemeni oo gaartay 22 qof

Kooxda gargaarka degdega ah oo sida qof ku waxyeeloobay qaraxa. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada qaraxii gelinkii dambe ee Jimcada ka dhacay makhaayad kutaala Muqdisho ayaa gaartay 22 qof, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan laamaha ammaanka.

Qaraxa ayaa ka dhacay makhaayada Luul Yemeni, taasoo ah meherad caan ah oo u dhow dekada Muqdisho.

Intooda badan dadka qaraxa ku geeriyootay ayaa ahaa dad shacab kuwaasoo halkaas ku qaadanayay fasaxa Jimcada.

Al-Shabaab, oo ah maleeshiyo argagixiso ah taasoo dowladda Soomaaliya dagaal kula jirtay tobankii sanno ee u dambeysay, ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.

About Abdi Omar Bile 738 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*