Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle oo doortay madaxweynahoodii kowaad

cosoble
Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle oo Cali Cabdulaahi Cosoble u doortay madaxweyne. [Sawirka: Facebook]
Jowhar-(Puntland Mirror) Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle ayaa doortay madaxweynahoodii ugu horeeyay. Tilaabadaan ayaa imaanaysa labo asbuuc kadib markii la asaasay maamulkaas.

Doorasho lagu qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa baarlamaanka maamul goboleedka Cali Cabdulaahi Cosoble ugu doortay madaxweyne.

Cosoble ayaa helay 61 cod, halka ninkii la tartamayay Maxamed Cabdi Awaare uu helay 36 cod, sida ay si rasmiya galabta oo Isniin ah u iclaamiyeen natiijada kama dambaysta ah guddiga doorashada ee maamulka Hir-Shabeelle.

Dhanka kale, Cali Cabdulaahi Xuseen oo loo yaqiin “Guudlaawe” ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha cusub oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa soo noqday xildhibaan xilligii dowladii kumeel gaarka ahayd ee Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*