Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland oo ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay deegaan u dhow Kismaayo

Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland oo ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay deegaan u dhow Kismaayo. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland oo ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay deegaan u dhow Kismaayo. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada maamul gooboleedka Jubbaland ayaa geeriyooday kadib markii ay la qaraxday miinada dhulka lagu aaso maanta oo Isniin ah, sida ay ilo-wareeyadu xaqiijiyeen.

Ciidamada ayaa marayay deegaanka la dhaho Yaaq-raar oo qiyaastii 30km dhanka galbeed ka xiga magaalada Kismaayo markii ay miinadu la qaraxday, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Ilaa iyo shan askari oo kale oo ku dhaawacantay miinada ayaa loo qaaday isbitaalada kuyaala Kismaayo si loogu daaweeyo.

Ciidamada Jubbaland ayaa asbuucyadii dhawaa ee la soo dhaafay howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka waday deegaanada dhinaca galbeedka Kismaayo kaga beegan, halkaas oo ay ku xooganyihiin Al-Shabaab.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*