Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo wajahaya dhalleecayn balaaran oo ku saabsan kiiska Ubax Tahliil

Fahad Yaasiin. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Agaasimaha haayada nabadsugida Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin ayaa wajahaya dhalleecayn balaaran kadib markii Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu u qabtay 48-saac in uu ku keeno warbixin buuxda oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil.

Raysulwasaaraha ayaa fiidnimadii Sabtida sheegay in xukuumada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay in Ikraan iyo qoyskeeda ay helaan cadaalad.

“Waxaan farayaa agaasimaha haayada nabadsugida qaranka in uu muddo 48-saac gudaheed ah uu ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil,” ayuu yiri Rasulwasaaruhu.

“Waxaan shacabka la socodsiinayaa in marka ay ii soo dhammeystiranto xogta aan u baahnahay aan ka qaadan doono go’aanka ku habboon lana wadaagi doono dhammaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu ku sii daray.

Ikraan Tahliil oo ahayd gabar shaqaale ah oo katiran NISA ayaa la waayay dabayaaqadii bishii June 2021.

Asbuucii lasoo dhaafay, NISA ayaa bayaan ay soo saaraty oo lagu faafiyay warbaahinta dowladda ku sheegtay in Ikraan Tahliil ay dishay maleeshiyada Al-Shabaab, balse maleeshiyada ayaa qaadacday in ay iyagu ka dambeeyeen dilkaas, sida ay baahiyeen warbaahintoodu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*