Madaxweynaha Puntland oo Cawil Mataan u magacaabay guddoomiyaha gobolka Nugaal

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal Cawil Mataan. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah u magacaabay Cawil Maxamed Xasan oo loo yaqaan Cawil Mataan guddoomiyaha gobolka Nugaal, sida lagu digreeto ka soo baxday madaxtooyada.

Cawil Mataan ayaa badali doona Cawil Axmed Maxamed oo bishii April 2020 loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Nugaal kadib markii Cabdisalaam Xasan Xirsi lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo bishii Maarso isla sanadkaas ka dhacay magaalada Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*