Ugu yaraan afar qof oo ku dhimatay shilal baabuur oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Boosaaso

Wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Garoowe iyo Boosaaso. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen shilal baabuur oo ka dhacay wadada laamiga ah ee u dhaxaysa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Shilalka ayaa dhacay gelinkii dambe shalay oo Talaado ahayd, baabuurta shilka gashay ayaa ahaa Noah Toyota kuwaas oo siday rakaab ka yimid magaalada Boosaaso, sida ilo-wareedyadu ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Shilalka ayaa ka dhacay meel u dhow degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Dadkii ku dhaawacmay shilalka ayaa loo soo gudbiyay isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*