Ciidamada badda Puntand oo gacanta ku dhigay afar doonyood oo kalluumaysi sharci daro ah

Ciidamada badda Puntland ee PMPF. [Sawirka: Archive]
Ciidamada badda Puntland ee PMPF. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa maanta oo Khamiis ah gacanta ku dhigay afar doonyood oo kalluumaysi sharci daro ah oo ay leeyihiin kalluumaysato Yemen u dhashay, sida ay wararku sheegayaan.

Ciidamada PMPF ayaa qabtay doonyaha iyo dadkii sarnaa kadib howlgal ka dhan ah kalluumaysiga sharci darada ah oo ay ciidamadu ka sameeyeen xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu, labo kamid ah nimanka doonyaha saarnaa ayaa dhaawac soo gaaray kadib markii ay rasaas is-weydaarsadeen ciidamada PMPF.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*