Ugu yaraan lix dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqaymo uu Mareykanku ka geystay koonfurta Soomaaliya

Sawirka: Maleeshiyada Al-Shabaab.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa sheegay in ay dileen lix dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab kadib saddex duqaymood oo ka dhan ah Al-Shabaab, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa bayaan ku sheegay.

“Iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Mareykanka waxay saddex duqaymood oo ka dhan Al-Shabaab ka geysteen gudaha Soomaaliya maanta oo Arbaco ah oo bishu tahay 13-ka September saacada Soomaaliyana ay ahayd 2:15 a.m., waxaana lagu dilay lix argagixiso ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.

“Howlgalka ayaa ka dhacay koonfurta Soomaaliya, meel qiyaas ahaan 260-km dhanka koonfurta ka xigta caasimada Muqdisho. Mareykanka ayaa qaaday howlgalkan iyadoo uu xadidayo ogolaanshaha Madaxweynaha Mareykanku bixiyay bishii Maarso ee sanadkan 2017, kaasoo u ogolaanaya ciidamada Mareykanka in ay qaadi karaan weerar dhimasho leh oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya si loo taageero saaxiibada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.” Bayaanka ayaa sidaa lagu sii yiri.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, asbuucyadii lasoo dhaafay tobonaan katirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare ayaa lagu dilay weeraro duqaymo ah oo ay Mareykanku ku bartilmaameedsadeen deegaano kuyaala koonfurta Soomaaliya halkaas oo ay ku xooganyihiin maleeshiyadu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*