Ugu yaraan 17 qof oo ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 17 qof oo ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Muqdisho. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Weeraryahano isa soo miidaamiyay ayaa qarax gaari la eegtay huteel kuyaala meel u dhow xarunta dambibaarista Soomaaliya ee Muqdisho maanta oo Jimce ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan 17 qof, sida ay sheegayaan wararku.

Ilaalada Huteel Saxafi iyo saraakiisha xarunta dambibaarista ayaa rasaas furay qaraxyada kadib, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters oo soo xiganaysa, ciidamada booliiska, 20 daqiiqo kadibna, qaraxa saddexaad ayaa ku qarxay wado mashquul badan.

“Ilaa iyo hadda waxaanu xaqiijinay dhimashada 17 qof oo shacab ah. Waxay saarnaayeen baabuurta dadweynaha oo goobtaas marayay markii ay qaraxyada iyo rasaastu dhaceen. Tirada dhimashada ayaa kordhi karta,” Cali Nuur oo katirsan booliiska magaalada ayaa sidaa u sheegay Reuters.

Sawirqaade katirsan Reuters ayaa goobta ku arkay meydka dhimashada 20 qof oo shacab ah iyo baabuur badan oo basas, mootooyin iyo baabuurta raaxada ee gaarka loo leeyahay ah.

Maxamed Xuseen, oo katirsan ciidamada booliiska, ayaa u sheegay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa Huteel Saxafi, kaasoo ka soo horjeeda xarunta dambibaarista.

Ma jirto koox si deg deg ah u sheegatay masuuliyada qaraxyada, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro badan oo kuwaan lamid ah ka geysata gudaha caasimada.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*