Xildhibaan katirsan maamulka Hirshabelle oo ku dhintay qarax loogu rakibay gaarigiisa gudaha Muqdisho

Qarax gaari oo Muqdisho mar hore ka dhacay. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xildhibaan katirsan maamulka Hirshabelle ayaa ku dhintay qarax loogu rakibay gaarigiisa gudaha Muqdisho, sida ay wararku sheegeen.

Qaraxa oo galabta Khamiis ah ka dhacay Muqdisho ayaa xildhibaanka ku dhintay waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdiweli Maxamed Ibraahim, sida ay wararku sheegayaan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa geysata weerarada kan lamid ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*