Soomaaliya oo qorshaynaysa lacag rasmiya oo ay leedahay in ay daabacdo bilowga sanadka soo socda

bashiir
Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa qorshaynaysa lacag cusub oo rasmi ah in ay soo daabacdo sanadka soo socda bilowgiisa iyadoo dowlada rabto in ay ku badasho lacagaha been-abuurka ah iyo in kor loo qaado ganacsiga dalka uu burburiyay dagaalka sokeeye.

Haayada lacagta aduunka ee IMF ayaa Soomaaliya ka caawinaysa daabacaada lacagta, sida uu sheegay guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali oo wareysi siiyay warbaahinta Bloomberg News.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in lacagta hadda dalka ku wareegaysa aysan dowlada federaalka samayn ayna tahay mid been-abuur ah.

Lacagta cusub ayaa noqonaysa tilaabo horey loo qaaday, taasoo keenaysa in dhaqaalaha dalka uu hagaago, sida uu sheegay guddoomiyaha bangiga.

“Daabacaada lacagtan aad bay muhiim ugu tahay Soomaaliya, gaar ahaan lacag bixinta dowlada iyo qaranimadayada.” Ayuu yiri Bashiir Ciise Cali.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*