Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka oo sheegay in uu ku rajo weynyahay kor u qaadida isla xisaabtanka caawimaada Mareykanka ee ciidamada Soomaaliya

Sawirka: Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Jim Mattis.

Washington-(Puntland Mirror) Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Jim Mattis ayaa shalay oo Jimce ahayd sheegay in uu ku rajo weynyahay kor u qaadista isla xisaabtanka Soomaalida ee ku saabsan qeybinta caawimaada Mareykanka ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaasoo qeyb kamid ah loo joojiyey sababo la xiriira musuqmaasuq.

“Waan hubaa in arrintaan aanu xakameyn karno, xitaa haddii aaney guud ahaan ahayn, balse qaybo ka mid ah,” Mattis ayaa sidaa u sheegay wariyeyaasha isaga oo ku sugan xarunta Pentagon-ka.

Mattis wuxuu sheegay in isbedelka “dhaqanka musuqmaasuqa” uu waqti qaadan doono, isaga oo intaas ku daray in Soomaaliya ay “ugu danbeyntii heshay madaxweyne qiimo leh”.

“Waxaanu xiriir wanaagsan la leenahay Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamulkiisa, balse sida aad ogtahay, wuxuu dhaxlay xaalad aad u adag,” ayuu yiri Mattis.

Mareykanka ayaa dhawaan joojiyay caawimaada uu siin jiray qeyb kamid ah ciidamada Soomaaliya kadib maamul xumo iyo musuqmaasuq hareeyay ciidamada.

Sargaal katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay oggolaatay in ay sameyso shuruudo cusub oo isla xisaabtan ah oo la jaanqaadaya heerarka Mareykanka, taasoo keeni doonta in dib loo fasaxo caawimaada.

Mareykanka ayaa taageerada ugu badan siiya ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab. Bilihii lasoo dhaafay Mareykanku waxaa uu kordhiyay duqaymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab iyo ISIS ee ku sugan gudaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa gudaha Soomaaliya jooga ku dhawaad 500 askari oo Mareykan ah kuwaasoo tababar iyo talooyin siiya ciidamada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*