Kooxda kubada cagta Puntland oo ku guulaysatay koobka maamul goboleedyada Soomaaliya

Cup
Kooxda Puntland oo u dabaaldegaysa koobka. Sawirka: Cali Ducaale.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxda kubada cagta Puntland ayaa ku guulaysatay ciyaaraha maamul goboleedyada dalka kadib markii ay gool ku laad ku garaacday kooxda Jubbaland.

Kooxda Puntland ayaa 5-3 gool ku laad ah ku guulaysatay kadib 90-kii daqiiqo oo ciyaarta markay dhamaatay haddana lagu daray wakhtiga dheeriga ah.

Ciyaarya kama dambaysta ahayd ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Madaxweyne Xasan ayaa u hambalyeeyay dhamaan lixdii koox ee ka qaybgashay horyaalka gaar ahaan wuxuu u hambalyeeyay kooxda horyaalka ah ee Puntland.

Tartanka taariikhiga ahaa ayaa waxaa soo agaasimay wasaarada ciyaaraha Soomaaliya iyo xiriirka kubada cagta Soomaaliya, sidoo kale maamulka gobolka Banaadir ayaa fududeeyay in 25-sanno kadib horyaal lagu qabto Muqdisho.

Horyaalkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay Garoowe sanadkii 2010-ka, kaasoo ay ka qaybgaleen 15 gobol.

Dabaaldega gudaha Puntland

Barhada
Taageerayaasha Puntland oo ku dabaaldegaya baraxada weyn ee caasimada Garoowe. Sawirka: Puntland Mirror.

Taageerayaasha Puntland ayaa isugu soo baxay wadooyinka caasimada, Puntland kadib markii kooxdooda ay ku guulaysatay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay.

Barxada Garoowe, boqolaal taageerayaal ah ayaa baabuurtooda soo qaatay si ay ugu dabaaldegaan guusha ayna u ruxaan calanka Puntland.

Sidoo kale taageerayaal badan ayaa buuxshay wadooyinka magaalooyinka, Boosaaso, Qardho iyo Gaalkacyo si ay u hambalyeeyaan geesiyaashooda kubada cagta.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*