Sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo isku soo dhiibay gacanta dowlada federaalka Soomaaliya

Ibraahim Aadan
Ibraahim Aadan Ibraahim oo ahaa sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo isku soo dhiibay dowlada federaalka Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Sarkaal sare oo katirsan kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay dowlada federaalka Soomaaliya.

Ibraahim Aadan Ibraahim oo ahaa madaxa Al-Shabaab u qaabilsan waxbarashada gobolada Baay iyo Bakool ayaa xalay oo Isniin ahayd shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku sheegay inuu isaga baxay kooxdiisa hore ee Al-Shabaab.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta, Ibraahim ayaa sheegay inuu ka faa’iidaystay cafiskii madaxweynaha uuna ka baxay fikirkii Al-Shabaab, wuxuu xusay inuu Al-Shabaab kamid ahaa muddo ka badan 9-sanno.

Dowlada federaalka Soomaaliya oo dagaal kula jirta kooxda Al-Shabaab ayaa horey u fidisay cafisyo ciddii kasoo baxda afkaarta Al-Shabaab.

Saraakiil sar-sare ayaa horey isugu soo dhiibay gacanta dowlada federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, dowlada federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay isa soo dhiibida Ibraahim.

Wasiirka amniga qaranka Cabdirisaaq Cumar ayaa wakaalada wararka dowlada Soomaaliya ee Sonna u sheegay in dowlada ay soo dhaweynayso saraakiisha Al-Shabaab ee kasoo noqda afgaarta Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo xiriir la leh urur weynaha Al-Qaacida ayaa dagaal kula jirta dowlada federaalka Soomaaliya oo caalamka taageero, maleeshiyada ayaa sanadadii u dambeeyay laga saaray dhul badan oo ay ku xooganayd.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*