Madaxweynaha Puntland oo la filayo in uu tago magaalada Dhuusamareeb

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo bulshada la hadlaya, Garoowe, June 2, 2020. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Dhuusamareeb-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa la filayaa in uu tago magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Cutubyo gaashaaman oo katirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo hordhac u ah wefdiga madaxweynaha.

Dhuusamareeb ayaa la filayaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya madaxweynayaasha Dowladda Xubnaha ka ah Federaalka. Shirka ayaa looga wadahadli doonaa arrimo muhiim ah oo ku saabsan siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*