Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi oo deeq dhan $89.8 milyan ugu deeqay Soomaaliya

Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi oo deeq dhan $89.8 milyan ugu deeqday Soomaaliya. [Sawirka: ADFD]
Abu Dhabi-(Puntland Mirror) Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi (ADFD) ayaa iclaamisay deeq dhan 330 milyan oo lacagta Dirhamka Imaaraatka Carabta ah oo u dhiganta (89.8 milyan oo dollarka Mareykanka) si mashaariic horumarineed iyo barnaamijyo looga fuliyo qaybaha muhiim ah ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha iyo gaadiidka, sida ay Arbacadii ku warantay wakaalada wararka dowladda Imaaraatcka Carabta ee WAM.

Sanduuqa ayaa diirada saari doona mashaariicda kuwaasoo loo huray sidii kor loogu qaadi lahaa qaybaha muhiimka ah oo ay kamidyihiin, hagaajinta tamarta, beeraha, macdanta, warshadaha, daryeelka caafimaadka, adeega bulshada, guriyaynta, biyaha iyo korontada

Tan iyo markii la asaasay sanadkii 1971-dii, ADFD ayaa 80 bilyan oo lacagta Dirhamka Imaaraatka Carabta ah ku bixisay mashaariic horumarineed oo ay ka fulisay in ka badan 80 dal oo ku kala yaala daafaha dunida.

Deeqda ADFD ayaa imaanaysa iyadoo dalka uu wajahayo abaartiisii ugu darnayd muddo sannado ah, taasoo dishay in ka badan 200 qof iyo si lamid kumanaan xoolo ah.

About Shafei Osman Yusuf 19 Articles
A Puntland Mirror columnist focuses on issues related to social development. Shafei holds a bachelor of public administration from Puntland State University (PSU) and a bachelor of education from Islamic University in Uganda (IUIU). You can reach him on: shaafiyare2011@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*